BREAKING NEWS

Trump oo lagu cambaareeyey cunsuriyeyntii Soomaalida Minneapplis

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa dhaleeceyn xoogan la kulmay, kadib markii uu ka hor yimid soo dhoweynta qaxooti badan oo Soomaali ah.

Xisbiga Dimoqraadiga ee Minnesota, muslimiinta iyo ururo kale oo caalami ah ayaa camnaareyn culus u jeediyey Madaxweyne Trump, waxaana ay ku eedeeyeen inuu ku dhawaaqay hadallo gef ah.

Madax fulinta golaha xiriirka Mareykanka iyo Islaamka, Nihad Awad, oo ah oo la hadlay warbaahinta gudaha dalkaasi ayaa sheegay in Trump, isagoo ah Madaxweynihii dalka uu sameeyey midabtakoor, ayna tahay wax laga xumaado.
Awad ayaa intaasi ku daray in dadka Cadaanka ahi ay soo dhoweeyeen falka cunsuriyeynta ah ee ku dhaqaaqay Madaxweynuhu.
“Waxaas oo dhan waxa ka sii murugsan in dhagaystayaasha cadaanka ahi ay soo dhoweeyeen cunsuriyadda iyo in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Jamhuuriga ay aamusaan ama xitaa ay taageeraan fowdada noocaas a.,” ayuu yidhi Awad.

Ugu dambeyn Jacob Frey, oo ah Duqa magaalada Minneapolis ayaa tilmaamay Trump uu noqday nin xumaaday, islamarkaana u gefay dadka soo galootiga ah.

Mr Frey ayaa sidoo kale qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twitterka ku sheegay in ogolaansho la siiyay soo galootiga, laguna soo dhoweynayo magaaladiisa Minneapolis.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top