BREAKING NEWS

Gabar Soomaali ah Oo ka sheekeysay Qiso ku qasabtay in ay Geeri doorbido [Akhriso}

Bini’aadamka wax kasta wuu u nugul yahay, inkasta oo adkeysiga laysku dhaafay. Balse, qisooyinku waa kuwa xanuun badan oo qofka mararka qaar ku riixeysa in uu nolosha ka doorbido geeri.

Muna, 17-jir ku dhalatay Soomaaliya balse uga soo carartay markii aabaheed uu dhintay, hooyadeedna awoodi wayday in ay wax ku tarto, ayaa dib u xusuusaneysa mahadhooyin qabsaday intii jidka ku jirtay.

Tahriib ayay ku gashay Libya kahor inta aysan soo marin wadooyinka ay adeegsadaan dadka. Kufra ayay aakhiritaankii ku degtay.

Magaaladaas waa halkii ay ka bilaabatay tacadiyadda foosha ee waxyeeladda daran u geystay qalbigeeda. Falal fool xun oo ay kamid yihiin jirdil, kufsi iyo garacaaris ayaa waxaa u geystay

Manaxayaashaas ayaa waxay rumeysan tahay in ay u kala dhasheen wadamadda qaarada Afrika dhaca ee Liibiya iyo Ghad.

“Way i jirdileen. Way i garaceen. Kadibna hal habeen, saddex rag ayaa darbiga iigu riixay dibadda ayay ii saareen wayna u kufsadeen,” ayay tiri, kadibna ilmadda oohin qiiro leh ayaa kasoo qubatay.

Iyadda oo hadalkeeda sii wadata ayay raacisay: “Waqtiga xaadirkaas, waxaan nacay nafsadeyda. Waxaan doonay geeri.

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “Gabar Soomaali ah Oo ka sheekeysay Qiso ku qasabtay in ay Geeri doorbido [Akhriso}”

    1. Solicitar Prestamo Rapido Creditos Y Prestamos Online https://prestamosonline.space/bemidji-mn/ Prestar Dinero Con Intereses Prestamos Personales Rapidos Necesito Dinero Urgente

    Comments are closed.

    scroll to top