BREAKING NEWS

Madaxwaynaha Turkiga Oo Somalia Uga Mahad Celiyey Garabka ay U’ Muujisay

 Madaxweynaha dalka Turkiga Rechep Erdogan oo goordhow ka hadlayey baarlamaanka dalkiisa ayaa u mahadceliyey dalal ay ku jirto Soomaaliya sida ay u taageereen weerarrada uu ka wado gudaha dalka Suuriya.

Madaxweyne Recep Erdogan oo arrinkaas ka hadlayey ayaa yiri “ Waxaan Soomaaliya uga mahadecinayaa iney nagu garab istaageen howlgalka militari ee aan ka wadno waqooyiga Syria”.

Todobaadkan, Soomaaliya ayaa ka hortimid bayaanka Jaamacadda Carabta ee ku aadan in la cambaareeyo weerarada ay Turkidu ka wadaan gudana Suuriya, laguna dalbaday iney ka baxaan.

Turkiga waxaa uu dowladda federaalka ah ka taageeraa miisaaniyadda, waxaa kale oo uu Muqdisho ku leeyahay saldhig militari uu ku tababaro askarta Soomaalida, maalgeshi badanna waa uu sameeyey.

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    3 Replies to “Madaxwaynaha Turkiga Oo Somalia Uga Mahad Celiyey Garabka ay U’ Muujisay”

    1. Donde Pedir Un Credito Rapido Prestamos Rapidos Y Seguros https://prestamosonline.space/imperial-ca/ Prestamos 24h Prestamos Bajo Interes Prestamista De Dinero Urgente

    2. cbd oil cure says:

      Thanks for sharing your thoughts about cbd oil for sleep.
      Regards

    Comments are closed.

    scroll to top