BREAKING NEWS

Talyaaniga iyo Sweden Oo Safiiro cusub Usoo magacaabay Soomaaliya.{Akhriso}

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Talyaaniga iyo Swedan ee Soomaaliya.

Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane Staffan Tillander oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane Carl XVI Gustaf ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.

Sidoo kale, Danjiraha cusub ee dalka Talyaaniga Mudane Alberto Vecchi oo warqadahiisa aqoonsi u gudbiyey Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu ugu hanweyn yahay in uu ka mid noqdo bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala dalkeenna.

Vecchi ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella, waxa uuna tilmaamay in dalkiisu ay saaxiib dhaw la yihiin shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu ka dhexeeye labada dal.Valueimpression Placeholder

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top