BREAKING NEWS

DF-Somalia Oo Gudi U’saartay Sarkaal ay dileen, Ilaalada Hotelka Wasiirka Amniga.n {Akhriso}

 Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay Guddi u saarto dilka Taliyihii Ciidanka Gorgor oo xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Maxamed Suleman Abiikar, ayaa waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku dilay Ilaalada Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho.

Ilaalada Hotelka rasaas ku furay Gaari uu watay Taliyaha oo ka yimid dhinaca waddada Ex Baar Shabeelle,waxaana uu ku dhintay rasaastii ay ku fureen.

Waxaa la dhintay Askari Ilaaladiisa ahaa oo la socday lana saarnaa Gaadhiga uu Taliyuhu watay.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa xaqiijisay in dhammaan la xidhay Ciidankii ku sugnaa Kontoroolka uu falku ka dhacay, isla markaana hadda ay ku socdaan baadhitaano ku saabsan qaabkii uu shilku u dhacay.

Sarkaalka xalay lagu dilay Muqdisho ayaa ka mid ahaa Kumaandoosta Soomaaliya,waxaa uu ku tababartay Dalka Turkiga,sidoo kale waxaa uu heystay darajada 1aad ee Waxbarashada sare.

Waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay howlgalkii Ciidamada AL-shabaab looga saaray Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose 7dii Bishii August ee sanadkan.

Saraakiisha amaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaarinayaan guddi baaritaan ku sameeya dalka ilaalada Hotelka Naasahablood laba ay u geysteen Taliyihii Ciidanka Gorgor.

Hotelkan ayaa waxaa iska leh Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

blank

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “DF-Somalia Oo Gudi U’saartay Sarkaal ay dileen, Ilaalada Hotelka Wasiirka Amniga.n {Akhriso}”

    1. Donde Pedir Un Credito Rapido Lugares Donde Prestan Dinero Rapido Donde Puedo Sacar Un Prestamo Con Pocos Intereses https://prestamosonline.space/ontario-or/ Credito Internet Prestamos Dineo Como Obtener Un Credito

    Comments are closed.

    scroll to top