BREAKING NEWS

In Ka Badan 20 Xubnood Oo Ka Tirsan Ururuka Alshabaab Oo Lagu laayay Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan. {Akhriso}

Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dileen 20 ka mid ah AL-shabaab kaddib markii ay weerar gaadmo ahaa ku qaadeen.

Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof, ayaa sheegay in Ciidankooda ay jidka u galeen Gaari Homy ah oo ay wateen Al-shabaab halkaasna ku baabi’iyeen.

Cagajoof ayaa sheegay in 18 Qori oo AK47 ah, Qori BKM ah iyo qori kale ay ka qaateen halkaas islamarkaana ay laayeen xubnihii AL-shabaab ee la socday Gaariga.

Weerarka ayuu sheegay in uu xalay ka dhacay duleedka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, kuna guuleysteen sida uu sheegay in AL-shabaab ay laayaan.

Xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee uu sheegay in ay laayeen ayaa waxaa uu sheegay in ay doonayeen weerar iyo go’doomin in ay ku sameeyaan Magaalada Jalalaqsi.

Guddoomiye Cagajoof ayaa sheegay in AL-shabaab ay ku sameeyeen wixii iyaga ay ku sameyn jireen oo ah weerarrada jid galka ah.

AL-shabaab dhinacooda wali kama hadlin sheegashada Maamulka Degmada Jalalaqsi ee la xiriirta dil wadareedka xubnaha ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Warbaahinta WidhwidhOline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “In Ka Badan 20 Xubnood Oo Ka Tirsan Ururuka Alshabaab Oo Lagu laayay Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan. {Akhriso}”

    1. Prestamos Busco Prestamos Dinero Prestamos Urgentes Online https://prestamosonline.space/los-banos-ca/ Prestamos De 300 Prestamos Urgentisimos

    Comments are closed.

    scroll to top