BREAKING NEWS

Imitixaankii Ugu yaabka badnaa Oo lagu qabtay Machad ku yaalla Dalka India (Daawo Sawirro)


Maamulka machad ku yaal dalka India ayaa raalligelin bixiyay ka dib markii si weyn baraha bulshada loogu shaaciyay sawirrada ardayda machadkaasi oo kaartoomo madaxa loo geliyay si looga hortago qishka imtixaanka.

Ardaydaasi dhiganaya machadkaasi Bhagat ee ku yaal gobolka Karnataka ayaa sawirada laga qaaday xilli ay sameynayeen imtixaanka Maadada Kimistariga.

Waxaa sawirradani ka muuqanayay arday madaxa loo geliyay kaartoomo hal dhinac oo kaliya loo banneeyay, si aysan imtixaanka u kala qishin.

Mas’uul ka mid ah maamulka machadkaasi ayaa arrintaasi ka hadlay, wuxuuna dhacdadaasi ka raalligeliyay mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada ee degmadaasi.

Maamulka iskuulka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay oo uu raalligelin ka bixinayo qaabka aan habbooneyn ee ay isugu dayeen in ay uga hortagaan in ardaydu ay imtixaanka qishaan.

Waxa uu sheegay in ay tijaabinayeen tallaabadaasi looga hortagayo qishka, ka dib markii ay ka war heleen in meelo kale laga isticmaalo, waxaana dhacdadan si weyn u hadal haya dad badan oo ay soo jiidatay.

blank
blank
blank

Warbaahimta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “Imitixaankii Ugu yaabka badnaa Oo lagu qabtay Machad ku yaalla Dalka India (Daawo Sawirro)”

    1. Creditos Credit Prestamos Personales Faciles Credito Rapido 300 Euros https://prestamosonline.space/portage-mi/ Calcular Credito Personal Reporte De Credito

    Comments are closed.

    scroll to top