BREAKING NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre Oo lagu Soo Dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Cajiib ah)

Warbaahinata WidhwidhOnline

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre  ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, kadib markii uu Washington uga qayb galay shirarkii sannadlaha ahaa ee bangiga adduunka iyo sanduuqa lacagta adduunka (IMF)

Intii Ra’iisul Wasaaruhu joogay Washington,waxa uu ka qaybgalaya shirka Miisk  wareegsan ee looga hadlay arrimaha deyn cafinta dalka, waxuuna ka jeediyay khudbad uu uga hadlayo guulaha ilaa hadda la gaaray, waxyaaba ka harsan gaaridda barta go’aanka ee 2020, iyo baahida loo qabo in si wadajir ah looga shaqeeyo ka mira dhalinta dadaalka waqtiga dheer soo socday ee Soomaaliya daynta looga nadiifinayo.

Ka qayb galayashii shirka Miiska wareegsan oo qiray in dowladda Soomaaliya ay kasoo baxday shuruudihii ku xirnaa qorshaha deyn cafinta, ayaa bogaadiyay ka go’aanshaha wadajirka ah ee shacakba iyo dowladda Soomaaliyeed waxa ayna ballan qaadeen in ay gacan ka geysanayaan dadaallada dalka deynta looga cafinayo.

Ka qayb galka shirarka sannadlaha ah ee IMF iyo bangiga adduunka ayaa muhiim u ahaa dowladda Soomaaliya oo si buuxda uga soo baxday dhammaan shuruudihii deyn cafinta ee SMP1, SMP2, iyo SMP3, meel gebabeba ah marsiineysa SMP4.

blank
blank
blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top