BREAKING NEWS

Saynab Xaabsey Oo hadal Taariikhiya ka jeedisay Muqdisho kadib markay kasoo Noqotay Qatar. {Daawo Video}

Guddoomiyaha Degmada Warta-Nabadda ee Gobolka Banaadir Seynab Xaabsey ayaa Dalka dib ugu soo laabatay, kaddib dhaawac ka soo gaadhay qaraxii 24-kii July ka dhacay xarunta dowladda hoose ee  Eng. Yariisow uu ku Geeriyooday

HALKAN KA DAAWO

Seynab ayaa wacad ku martay in aysan dalkaan uga cabsan doonin waxa ay ugu yeedhay Argagixiso inta ay Naftu ku jirto, Waxayna xustay inuu Jidh ahaan uu raadad ku yeeshay Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee lagu dilay mas’uuliyiin uu ku jiray guddoomiyihii gobolka Banaadir , ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahad celisay garab istaagooda intii ay dhaawaca aheyd.

 “Waxaa laga yaabaa in muuqaalkeyga uu is badalay, balse isma badalin qalbigeyga wax yarna Allaha ka dhigee, Walaahi waxaan ku caafimaaday ducadiina, waxaan dalka u halgami doonaa inta aan noolahay” ayey tiri guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda.

Intii  ay ku jirtay qaban qaabada safarka ay ugu soo laabanaysay dalka ayaa waxa ay sheegtay in qaar ka mid ah eheladeeda ay ka naxeen, isla markaana ay uga yimaadeen su’aalo ah “Ma-dalkii aad sidaan ku soo noqotay baad ku laabaneysaa, iska joog halkaan ayaan shaqo kaaga raadinaynaaye”.

Balse guddoomiye Seynab ayaa sheegtay in ay aaminsantahay qof walba haduu ka tago dalka in Jiilka mustaqbalka ka leh dalkaan ay sidaan ku sii jiri doonaan.

Guddoomiye Saynab ayaa ka mid aheyd mas’uuliyiintii maamulka gobolka Banaadir ee dhaawacooda loo qaaday magaalada Dooxa ee dalka Qatar, si halkaas loogu soo dabiibo, waxaana xusid mudan in Seynab ay ka mid aheyd dadkii dhaawacyada ugu daran ay ka soo gaareen qaraxaas.

blank

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top