BREAKING NEWS

Taliyaha Ciidamada DHulka iyo Taliye ku xigeenka Xooga Oo Xilka la kala wareegay.{Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline

Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka Sareeyo Guuto Maxamed Cali Bariise iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Sareeyo Guuto C/xamiid Maxamed Dirir ayaa maanta xilka la wareegay, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Odawaa Yuusuf Raagge iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Saraakiisha cusub ee la wareegay Hoggaanka Ciidanka Xoogga dalka ayaa ah dhalinyaro qibrad leh oo waxbarasho heerarka aqoonta ciidanka soo qaatay, waxaana ka mid ah Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka Sareeye Guuto Maxamed Cali Bariise oo waxbarasho iyo aqoon kororsi ciidan ku soo qaatay dalalka Mareykanka, Australia iyo dalal kale.

Taliyeyaashan cusub ayaa balan-qaaday in waajibkii loo igmaday ay gudan doonaan, isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan dhismaha iyo tayeynta Ciidamada xoogga dalka iyo sidii deegaanada Al-Shabaab maamulaan looga saari lahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa is bedel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka xoogga dalka, iyadoo markii u horeysay loo magacaabay saraakiil dhalinyaro ah.

blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top