BREAKING NEWS

Ciidamadii Maraykanka ee Suuriya Ka baxay Oo Ciraaq loo diiday.{Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline

 Safiirka Dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyay inuu jiray kulan dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya, kaddib markii Wargeyska Dailynation ee Nairobi kasoo baxa uu daabacay wareysi uu la yeeshay Safiirka Mareykanka Kayle McCarter, kaasoo uu ku sheegay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay ku kulmeen Muqdisho.

 Amb. Tarsan wuxuu ku qiray in dhowr bilood ka hor uu booqasho ku tagay Safiirka Mareykanka magaalada Muqdisho, balse aanay dhicin kulan dhex maray isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor”ayuu yidhi Danjire Tarsan.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay wargeyska Dailynation inuu iska hubiyo warbixinada uu faafinayo, inkastoo Wargeysku uu warka uu daabacay uu ahaa Wareysi su’aal iyo jawaab oo qornaa, kaasoo ku soo baxay cadadkii [Talaadadii] ee Dailynation.

Hadal heyn kala duwan ayuu dhaliyay wareysiga Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya uu ku sheegay in Madaxweyne Farmaako kala hadlay inuu dacwadda Badda uu ka soo saaro Maxkamadda.

Madaxwayne Farmaajo ayaa horay u cadeeyay Go’aankiisa ku aadan Kiiska Maxkamadda Isagoo sheegay inay Soomaaliya ka warsugayso Maxkamadda ICJ.



This image has an empty alt attribute; its file name is saftan.jpg

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top