BREAKING NEWS

Ciidamo Cadaan ah Oo badbaadiyay ciidamo Soomaali ah oo Doon la Degtay (Daawo Sawirada)

Warbaahinta WIdhwidhOnline

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo Doonti ay wateen kaga Ciladowday Bad xili ay mareesay xeebta Cadalle meel ku dhaw ayaa lasoo bad baadiyay xili ay xaalad adag ku jireen.

Waxaa ciidankan katirsan milatariga Soomaaliya soo bad baadiyay Ciidamada Howlgalka Midowga Yurub ee ka howlgalla Biyaha Soomaaliya, kuwaa oo usoo gurmaday ciidamada doonta ka ciladowday kadib qeylo dhaan loo diray.

Ciidamadan katirsan Howlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaano Atlanta looguna tala galay la Dagaalanka burcad badeeda ayaa sheegay in doontaas ay ku degtay meel 60km u jirta Magaalada Cadale ee isla markaana ay ugu gurmadeen soona bad baadiyeen.

Sawirro ay baahiyeen howlgalka Atlanta ayaa muujinaya ciidanka milatariga oo lasoo bad baadinayo sidoo kale laga badalay dareeskii milatariga ay xirnaayeen iyadoona loo xiray dhar cad cad oo loogu tala galay dadka lasoo bad baadiyo.

blank
blank
blank
blank
blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    4 Replies to “Ciidamo Cadaan ah Oo badbaadiyay ciidamo Soomaali ah oo Doon la Degtay (Daawo Sawirada)”

    1. blank aBDI oSMAN says:

      Baaq Harti Koonfureed
      Annago ah Golaha fulinta ee Ku-meel gaarka ee Harti Koonfureed Jubbaland waxaan ummada Soomaaliyeed la wadaageynaa Baaq aanu ugu sheegeyno in aynaan ku taagersaneyn Maamulka Puntland taageerada ay u muujiyeyn iyo ka qeyb galkii caleema-saar ku sheegii Madaxweynihii hore ee Jubaland Mudane Axmed Madoobe 10/10/2019.
      Waxaanu baaqaan ugu sheegeynaa dhamaan ummada Soomaaliyeed, Dawlad Federaalka, iyo dhamaan Maamul-Goboleedyada ka jira Soomaaliya in aan loo arkin Harti-Koonfureed in ay xubin ka yihiin ama ay hoos yimaadaan Maamulka Puntland ee loo arko Beel ka mid ah beelaha degta Koonfurta Soomaaliyeed gaar ahaan degaan baaxad leh ku leh Jubbaland. Waa run in aanu nahay isir wadaag beelaha dega Puntland lakiin ma nihin dad ay ka dhaxeyso dan/deris wadaag, oo keliya Soomaalinimo ka wada shaqeynteeda ayaa innaga dhaxeysa. Sidaa awgeed waxaan dhamaan ummada Soomaaliyeed , Dawlada Feredaalka, Maamul-Goboleedyada ka jira dalka la codsaneynaa in sidaa loo arko arrimaha “Harti-Koonfureed” oo xuquuqdooda iyo arrimahooda si toos ah iyaga loogala xiriir.
      Harti Koonfureed oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee degen Jubbaland waxay leeyihiin Hogaamiyaal Dhaqan, Culimo, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Waxgarad, Dhaliyaro, Dumar & Ganacsato ayagaan ka masuul ah masiirkooda siyaasadeed, dhaqan & horumarineed mana hoos tagaan Maamul aan ka aheyn Jubbaland. Cid walba oo ku tixgelin weyda Harti Koonfureed in ay u madax banaan yihiin masiirkooda ummadeed waxaan la socodsiineynaa in ay khaldan yihiin oo ay isa saxaan.
      Xarunta Harti Koonfureed oo ah Magaalada Kismaayo, Gobolka J/Hoose oo hadana si ku meel-gaar ah uu ugu shaqeeyo Maamul-Goboleedka Jubbaland waxay ka mid tahay Magaalooyinkii ay dagaalada sokeeye si weyn u aafeeyeen hadan u muuqato in ay ka soo kabaneyso , in kastoo tacadiyo iyo gabood falyo badan ay weli ka dhacaan aadna ay dadka degaanka u saluugsan yihiin Maamulka uu garwadeynka ka yahay Axmed Madoobe oo isku koobey keliya Magaalda Kismaayo.
      Wabilaahi tawfiiq,
      Golaha Fulinta Ku-meel gaarka ee Harti Koonfureed:-
      1. Col. Cabdiraxmaan Xuseen 2. Cabdi Cismaan Ciise 3. Cabdiraxmaan Maxamed Jibriil
      4. Xaliimo Xasan 5. Mahad Shaaciye 6. Geele Cabdiweli 7. Cawil Yasiin Qulumbe
      Xiriiriyaha Golaha:- Cabdi Cismaan – kismayo95@yahoo.com
      10/22/2019

    2. blank oprolevorter says:

      Thanks a lot for providing individuals with such a special chance to read in detail from this site. It is often very pleasing and also jam-packed with a lot of fun for me and my office mates to search your website at minimum thrice a week to find out the newest guides you have. Not to mention, I’m just always pleased concerning the splendid principles you serve. Some 1 ideas in this post are clearly the simplest we have ever had.

    3. Solicitar Prestamo Personal Online Hacer Prestamos Por Internet Prestamos Personales On Line Urgente https://prestamosonline.space/huntsville-tx/ Como Obtener Un Prestamo A Cuanto Esta El Interes De Un Prestamo Personal Calcular Prestamo Personal

    4. Do you have a spam problem on this blog; I also am a blogger, and I was curious about your situation; we have developed some nice practices and we are looking to swap techniques with other folks, why not shoot me an e-mail if interested.

    Comments are closed.

    scroll to top