BREAKING NEWS

Jubbaland Oo Al-Shabaab ka qabsatay deegaan cusub.{Akhriso}

Watbaahinta WIdhwidhOnline

– Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka aroortii hore ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Jubbada Hoose ee koofurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa yimid, kadib markii ciidamada Jubbaland ay weerar ku qaadeen deegaanka Jedacaley oo hoos taga degmada Badhaadhe ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka kadib Jubbaland ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankaaasi oo muddo ay ka talineysay kooxda Al-Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamadu ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaasi.Valueimpression Placeholder

Sidoo kale Al-Shabaab oo ku sugan duleedka deegaanka Jedacaley ayaa iyana wada dhaq dhaqaaq xoogan iyo is uruursi ciidan.

Jubbada Hoose ayaa waxa ay ka mid tahay deegaanada Jubbaland ee ay ku xoogan yihiin  dagaalyahannada Al-Shabaab.

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “Jubbaland Oo Al-Shabaab ka qabsatay deegaan cusub.{Akhriso}”

    1. blank vurtil opmer says:

      Hi there! I know this is kinda off topic but I was wondering if you knew where I could get a captcha plugin for my comment form? I’m using the same blog platform as yours and I’m having problems finding one? Thanks a lot!

    Comments are closed.

    scroll to top