BREAKING NEWS

Kooxda Macawiisley Oo weerartay Al-Shabaab iyo Dagaal ka socda Hiiraan.{Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan uu ka qarxay deegaanka Aboorey oo qiyaastii 30 KM u jira degmada Buulo-burte ee gobolkaasi.

Wararka aya sheegaya in dagaalka ah oo mid uu culus uu u dhexeeyo dagaalyahannada Al-Shabaab iyo kooxda la magac baxday Macawiisley oo ka dagaalanta HirShabelle.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah dagaalka ayaa yimid, kadib markii kooxda Macawiisley oo ah shacab is abaabulay ay weerar gaadma ah ku qaadeen fariisimo kooxda Al-Shabaab ku leedahay duleedka degmada Buulo-burte ee gobolkaasi.

Dagaalka oo weli socda ayaa lagu soo warramayaa in la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka ay ku biireen ciidamada dowladda Soomaaliya oo gurmad ahaan uga baxay Buulo-burte.

Ma cadda khasaaraha dagaalkaasi, iyadoona weli xaaladdu ay kacsan tahay.

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top