BREAKING NEWS

Buug cusub Uu qoray Ra’isul Wasaare Abiy Axmed Oo la gubay iyo Sababta keentay.{Akhriso}

Warbaahinta WIdhwidhOnline

Dad careesan oo banaan bax ka dhigayay magaalada Dadar ee bariga dalka Itoobiya ayaa gubay nuqolo kamid ah buug cusub uu qoray Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Banaan baxayaasha gubay buuga uu qoray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa ahaa taageerayaasha Jawar Maxamed oo ah nin taageerayaal badan ku dhax leh qowmiyada Oromada kaalin badana ku lahaa isbadalkii ka dhacay Itoobiya.

Nuqulada buugga la gubay uu qoray Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa la sheegay in la daabacay Sabtidii lagana qaybiyay dalkaasi, waxaana nuqolada la daabacay ciwaan looga dhigay Medemer.

blank

Buuggan dadka careesan gubeen ayaa waxa qoraaladiisa diiradda lagu saaray fikirada siyaasadda rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo sidoo kale halka uu higsanayo in uu Itoobiya garsiiyo.

Banaan baxayada kasoo cusboonady Itoobiya ayaa yimid xili uu Jawar Maxamed oo ah nin dhalinyaro oo taageero badan ku dhax leh Oromada sheegay in dowlada kala wareegtay ciidamadii ilaalada u ahaa sidoo kale gurigiisa soo galee.

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “Buug cusub Uu qoray Ra’isul Wasaare Abiy Axmed Oo la gubay iyo Sababta keentay.{Akhriso}”

    1. blank vurtil opmer says:

      Great work! This is the type of information that should be shared around the internet. Disgrace on the seek engines for no longer positioning this submit upper! Come on over and talk over with my web site . Thank you =)

    Comments are closed.

    scroll to top