BREAKING NEWS

DP-World Oo sheegtay inay Bankiyada Caalamku lacag U’ diideen iyo Sababta !{Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline

 Sharikadda Dekadaha ee Dubai  ee DP-World  ayaa sheegtay in ay Bankiyada Caalamka ka la’dahay lacagaha deymaha ah ee ay maalgashiga ku sameyso kaddib khilaafkii dowladda Jabuuti dib ugula wareegtay Dekadda Dooraale.

Sultan Ahmed bin Sulayem oo ah Guddoomiyaha Sharikadda Dubai Ports ayaa yidh “wax waan maalgelinaa, laakiin qiimo badan ayey noogu kacdaa,halkaas weye halka uu dhaawac naga soo gaarayo”

Waxaa kale oo uu hadalkiisa raaciyay: “Bangiyo yar ayaa na siiya deynta, iyagiina su’aal ayey na weydiiyaan oo ah, haddii Dowladda idinkala wareegto sida Jabuuti oo kale maxaa dhacaya?, taas ayaa dhibaato nagu heyso”.

Dowladda Jabuuti ayaa Bishuu February ee sanadkii 2018kii la wareegtay dekadda Dooraale markii ay isqabteen Sharikadda DPworld.

Sidoo kale Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si cad u diiday maamulka Sharikadda DPWorld ee Dekadda Berbera oo ay ilaa maanta maamusho, hayeeshee shakiga ugu weyni yahay mustaqbalka ciqaabta ka dhalan karta.

Sudaal Axmed ayaa Isniintii Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda ka daah furay Xarun fududeysa dhoofinta iyo dhoofsiga Dalka Rwanda oo ay ku maalgelisay $35Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    2 Replies to “DP-World Oo sheegtay inay Bankiyada Caalamku lacag U’ diideen iyo Sababta !{Akhriso}”

    1. oprolevorter says:

      Having read this I thought it was very informative. I appreciate you taking the time and effort to put this article together. I once again find myself spending way to much time both reading and commenting. But so what, it was still worth it!

    2. Greetings! I’ve been reading your site for a while now and finally got the courage to go ahead and give you a shout out from Lubbock Tx! Just wanted to tell you keep up the great job!

    Comments are closed.

    scroll to top