BREAKING NEWS

Mudane Madaxwayne Farmaajo Oo Kulan la yeeshay Dhigiisa Dalka Ruushka. {Daawo Sawirro}

Warbaahinta WidhwidhOnline

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo ku kulmay munaasabaddii soo dhaweynta ee caawa loo sameeyay Madaxda ka qeyb galaysa Shirweynaha Ruushka iyo Afrika ee Magaalada Sochi .

Shirweynaha haatan ka socda magaalada Sochi waa mid lagu horumarinayo xiriirka ay Qaaraddu la leedahay Ruushka, Innaguna waxa uu inoo yahay madal aynu kusoo bandhigno fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna.” Ayuu lagu yidhi war kasoo baxay Madaxtooyadda.

Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo Goobjoog ka ah Shirka iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalkeena.

Madaxweynaha  Ruushka ayaa ku  dhawaaqay in dalkiisu uu cafiyay dhamaan deymihii uu ku lahaa wadamada Afrika, Dayntaasi oo  la sheegay inay gaadhayso illaa $20 bilyan iyadoo deyntaasna ay wadamada qaarada Afrika bixin waayeen muddo sanooyin ah, Waxaana dalalka uu daynta ku lahaa kamid ah Soomaaliya.

Madashan oo ah tii ugu horreysay oo Ruushku soo qaban qaabiyo waxaa ka qeyb galaya seddax kun oo Ergo oo ka kala socota dalalka Afrika iyo Ruushka. waxay socon doonta 23-ka ilaa 24-ka Bishan iyada oo la filayo in qodobo miro-dhal ah kasoo baxaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    2 Replies to “Mudane Madaxwayne Farmaajo Oo Kulan la yeeshay Dhigiisa Dalka Ruushka. {Daawo Sawirro}”

    1. oprolevorter says:

      Very nice post and right to the point. I don’t know if this is actually the best place to ask but do you guys have any thoughts on where to get some professional writers? Thx 🙂

    2. I really wanted to write down a brief note to express gratitude to you for these stunning secrets you are giving out here. My long internet research has at the end of the day been paid with incredibly good facts and techniques to go over with my friends and classmates. I ‘d repeat that we site visitors actually are unequivocally fortunate to exist in a magnificent network with very many lovely professionals with good principles. I feel somewhat fortunate to have seen your entire weblog and look forward to plenty of more fun minutes reading here. Thanks a lot once more for everything.

    Comments are closed.

    scroll to top