BREAKING NEWS

Trump Oo ku dhawaaqay inuu ka qaaday cunaqabateyntii la saaray Turkiga. {Akhriso}

Warbaahinta WdhwidhOnline

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in laqaaday dhamaan cuna qabateynadii la saaray dowladda Turkiga kadib weerarkii ay ku qaadeen waqooyi bari dalka Suuriya.

Go’anka Trump ayaa imaanaya ka dib markii Turkigu uu ogolaaday inuu xabad joojinta waqooyiga Suuriya sii wadayo.

Isaga oo ka hadlayay Magaalada Washintoon ayuu sheegay Mr Trump in Dolwadda Turkiga ay u balan qaaday in ay joojinayso howgallada ay ka wado waqooyiga Suuriya.

Waxa uu yiri :”Aroortii hore ee saaka dowladda Turkiga ayaa waxey maamulkayga u sheegeen inay joojinayaan gulufkii ay ka wadeen Suuriya ayna heshiiska xabad joojinta ka dhigayaan mid toos ah”.

‘Marka sidaa darteed waxaan la hadlay Xoghayaha Maaliyadda waxaana u sheegay in Turkiga laga qaado dhammaan cunaqabateenadii la saaray 14-kii bishaan Octobar” ayuu kusii daray.

”Cunaqateenada waa la qaaday marka ilaa aan ka aragno waxyaabo aanu ku faraxsanyn ee goboladaasi ka dhaca ma jiri doonaan cuna qabateynno kale”, sidaasi waxaa hadalkiisa ku sheegay madaxeyne Trump.

Sidoo kale madaxwaynaha Mareykanka ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay gaareen Turika iyo Ruushka.

Warbahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    2 Replies to “Trump Oo ku dhawaaqay inuu ka qaaday cunaqabateyntii la saaray Turkiga. {Akhriso}”

    1. Thanks for the sensible critique. Me and my neighbor were just preparing to do some research on this. We got a grab a book from our area library but I think I learned more clear from this post. I’m very glad to see such excellent info being shared freely out there.

    2. When I originally commented I clicked the -Notify me when new comments are added- checkbox and now each time a comment is added I get four emails with the same comment. Is there any way you can remove me from that service? Thanks!

    Comments are closed.

    scroll to top