BREAKING NEWS

Wasiiradii Puttland Oo Kala Qaybiyey Buuhoodle iyo Siyaasiyiinta Khaatumo Oo Dhaliilay.{Daawo Video}

Warbaahinta WidhwidhOnline

HALKAN KA DAAWO

Wafdiga Puntland ee ku sugan Buuhoodle ayaa Sabab u noqday inuu Degaanka ka Bilowday Khilaaf iyo Kala Qaybsanaan dhinaca Beelaha deegaanka ah, kadib markii La isku khilaafay Qaabka loo dhisayo Golle deegaan oo Puntland doonayso inay deegaanka ka hirgeliso.

Dhinaca kale Xubno ka tirsan maamulkii Khaatumo ee Heshiiska la galay Somaliland oo uu kamid yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamuud Sh. Cumar ayaa Dhaliilay Wafdiga Puntland ee Buuhoodle ku sugan.

Wuxuu sheegay inay deegaanka ka bilaabeen kala Qaybin iyo Xaalado Amni daro, Wuxuuna xusay inaysan tegi karin deegaanada kale, Balse ay Buuhoodle kasoo galeen dhinaca Xadka Itoobiya.

Magaalada Buuhoodle waxaa horay uga jiray Golle-deegaan oo wax badan qabtay, Balse aan gacan rasmiya ka helin dadka iyo Qurbajoogta deegaanka, waxaana la is waydiinayaa waxay kusoo Kordhin karaan Gollaha deegaanka Cusub ee Puntland ay doonayso inay ka hirgeliso.

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Comments are closed.

    scroll to top