BREAKING NEWS

Xildhibaa ku dhawacamay Guddoomiyaha Degmada War-sheekh Xasan Xaaji , oo Geeriyooday !

Warbaahinta WidhwidhOnline

 Cisbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Xildhibaan Xasan Cali Xasan oo ka mid ahaa Golaha degaanka Magaalada War-sheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Xildhibaanka ayaa waxaa horay u dhaawacay Guddoomiyaha Degmada War-sheekh Xasan Xaaji Maxamed, kaas oo xilligii uu dhaawacayay la barayay sida loo adeegsado Baskooladaha.

Dhaawaca Xildhibaanka ayaa markii hore la geeyay Isbitaalka Keysaneey ee Degmada Kaaraan,hayeeshee waxaa loo wareejiyay Isbitaalka Madiina halkaas oo uu xalay ugu geeriyooday dhaawicii soo gaadhay.

Sheekada Xildhibaanka la dhaawacay ayaa soo if baxday 19kii September markaas oo inta badan warbaahintu ogaatay in Xildhibaanka uu ku dhaawacmay Baskoolad uu barayay Guddoomiyaha Golaha degaanka degmada War-sheekh oo ay xabad uga fakatay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “Xildhibaa ku dhawacamay Guddoomiyaha Degmada War-sheekh Xasan Xaaji , oo Geeriyooday !”

    1. blank vurtil opmer says:

      I like this web blog its a master peace ! Glad I observed this on google .

    Comments are closed.

    scroll to top