BREAKING NEWS

Culumada oo loogu baaqay iney Kitaabada iska dhigaan hadii ay siyaasada rabaan

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud”Faroole” oo Khudbad ka jeedinaayay Falfadhiga baarlamaanka Puntland oo furitaankiisa hadda uu ka socda Magaalada Garowe ayaa sheegay in Culimadda ay fiican tahay in aysan Siyaasada ka hadlin.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay jiraan dad badan oo dhibaatooyin ku haya oo loo baahan yahay in laga qabto, islamarkaana si wadajir ah loo ilaaliyo Midnimada Shacabka degaanada maamulka Puntland.

“Culumada Waxaan leeyahay Hadaad siyaasad rabtaan Kitaabka meel soo dhigta midka siyaasada soo qaata laakiin idin ka yeeli mayno in aad masaajidada dadka faraha kaga fiiq fiiqdaan idinka waana laydinku fiiqayaa waana iska kiin celinayna amba sheikh baan ahay ima harowsan kartaan” ayuu yiri Senator Faroole

Faroole ayaa sidoo kale khudbadiisa kaga hadlay arimaha Jubbaland iyo doorashadii ka dhacay Kismaayo, waxaana uu sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu yahay Axmed Madoobe isla markaasna ay aqoonsi buuxa siiyeen madaxdii ka qayb gashay caleema saarkiisa halka uu tilmaamay siyaasiyiinta kala ah C/naasir Seeraar iyo C/rashiid Xidig rag laga dhex hadlayo oo aan xataa ka tagin goobtii doorashadu ka dhacaysay isla markaasna ay dhibaato ka dhex wadaan shacabka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    2 Replies to “Culumada oo loogu baaqay iney Kitaabada iska dhigaan hadii ay siyaasada rabaan”

    1. Calcular Cuota Credito Personal Prestamos En Linea Rapidos Y Seguros Busco Prestamos Dinero Rapido https://prestamosonline.space/miami-springs-fl/ Donde Prestan Dinero Urgente Mini Prestamos Al Instante

    2. May I just say what a relief to find somebody that actually knows what they’re discussing on the web. You definitely know how to bring a problem to light and make it important. More people must look at this and understand this side of your story. I was surprised that you aren’t more popular given that you surely have the gift.

    Comments are closed.

    scroll to top