BREAKING NEWS

Sawirro Gaadiidleyda Muqdisho Oo maalintii labaad dibadbax dhigay.[Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline

Darawallada gaadiidka dadweynaha ayaa saaka markale dhigay dibadbax looga soo horjeedo jidadka xiray ee magaalada Muqdisho.

Dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn, sida tan Makka Al-Mukarrama ayaa ka cabanaya jidadka laga xiray iyo lacago dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay.

Sidoo kale dibadbaxayaasha oo careysan ayaa hakad galiyey dhaq dhaqaaqa waddooyin muhiim u ah shacabka.

Gaadiidleyda ayaa dalbanaya in loo furo  dhammaan waddooyinka, si ay uga shaqeystaan gudaha magaalada Muqdisho.Valueimpression Placeholder

Inta badan waddooyinka Caasimada ayaa sababa amni u xiran muddo dhowr bilood ah, taas oo culeys ku keentay nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Waa maalintii labaad oo xiriir ah oo darawallada gaadiidka BL-ka ay dhigayaan banaanbax, mana jirto weli jawaab laga bixiyey cabashadooda.

blank
blank
blank
blank

Warbaahinta WidhwidhOline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top