Warbaahinta WidhwidhOnline
) Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in weerar ay ka fulisay Gobolka Xalab ee dalka Syria ay ku dishay hoggaamiyihii Ururka Daacish Abuu Bakar Al Baqdaadi.
Saraakiil ka mid ah Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in kalsooni buuxda ay ku qabaan in weerarkaas ku dhintay hoggaamiyaha Daacish.
Xubno ka mid ah Wasaaradda ayaa aqalka cad u gudbiyay arrintan waxaana lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu Madaxweynaha Mareykanka ka soo saaro war rasmi ah.
Trump oo si horudhac ah u xaqiijiyay sheekadan ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray “wax weyn ayaa imika dhacay”.
Dhowr jeer oo hore ayey dowladda Mareykanku sheegtay in ay dishay hoggaamiyahya Daacish hayeeshee markastaba waa uu ka daba hadli jiray isaga oo duubi jiray xajalado maqal iyo muuqaal ah.
Mareykanka ayaa Jimcihii weerar uu ka fuliyay Buuraleyda Goolis ee Soomaaliya ku sheegay in uu ku dilay saddex ka mid ah Ururka Daacish.

Warbaahinta WidhwidhOnline
Wow! This blog looks exactly like my old one!
It’s on a totally different topic but it has pretty much the same layout and design. Wonderful choice
of colors!