BREAKING NEWS

Sheekh Shaakiir oo saraakiisha AMISOM kala hadlay amniga Dhuusomareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa Maanta ka dhacay kulan looga hadlayay Amniga,kaas oo ay ka qeyb-galeen Madaxa Xukuumadda Galmudug & Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ka holwgalla Magaaladaas.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa  Wasiika Amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf iyo isku xiraha AMISOM  iyo Galmudug Kabtan Cabdullaahi Sheekh Xuseen iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada dhuusamreeb.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaay Arrimha Amniga iyo sidii loo xoojin lahaa xariirka AMISOM iyo Dowlad goboleedka Galmudug.

Kulanka Maanta ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay Magaaladaas laga dareemayay xiisad u dhaxeysa Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlusunna wallow haatan xaaladu ay tahay mid degan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top