BREAKING NEWS

Dacwad culus oo lagu soo oogay Xildhibaankii ka careesiiyay Madaxweyne Deni !!

Xeer ilaalinta maamulka Puntland ayaa dacwad culus oo xasaanad ka qaadis iyo dacwad kusoo oogid ka gudbiyay Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo dhawaan su’aalo ka careesiyay Madaxweynaha Puntland ku dhax weediiyay xarunta golaha Wakiilada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa la sheegay in xeer ilaalinta Puntland ka dalbaday in dacwad ciqaab ah kusoo oogaan Xildhibaanka su’aalaha ka careesiiyay ku dhax weediiyay xarunta Golaha Wakiilada.

Xeer ilaalinta Puntland ayaa warqad ay kaga codsanayaan in xasaanada laga qaado si dacwad loogu soo oogo Xildhibaan Cawil Daad waxa ay u gudbiyeen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland.

Lama oga in Gudoonka Baarlamaanka Puntland xasaanada ka qaadi doonaan Xildhibaan Cawil Daad, waxaana hadii Xildhibaankan xasaanada laga qaado meesha ka bixi kara awooda iyo la xisaabtanka Xildhibaanada ee Xukuumada Deni.

blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top