BREAKING NEWS

Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Xildhibaanada mucaaradka ku ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay  ka qeybgalay Casho sharaf loogu sameeyay Beerta Dalxiiska oo ku taala duleedka magaaladda Qardho ee gobolka Karkaar Puntland.

Madaxweynaha waxaa kulanka Cashada ahaa  ku wehelinayey Xubno ka tirsan Golihiisa  Wasiirada oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maxamed Dhabanacad iyo Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal.

Sidoo kale kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ay ka midyihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri, Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan Maxamuud Axmed Caalim, Xildhibaan Xuseen Yaasiin Xaaji iyo Xildhibaan Axmed Daad Diiriye Jaamac,kuwaas oo ahaa Xildhibaano siweyn uga soo horjeeday Siyaasadiisa.

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey dhallinyarada reer Puntland ee isu xilqaamay hirgelinta xarunta Beerta Dalxiiska, waxaana sidoo kale Warar soo baxaya ay sheegayaan in Madaxweyne Deni iyo Xildhibaannada ay ka heshiiyeen khilaaf hoose oo ka dhex-jiray

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    2 Replies to “Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Xildhibaanada mucaaradka ku ah”

    1. blank tinyurl.com says:

      My spouse and I stumbled over here coming from a different
      web address and thought I might check things out. I like what I see so now i’m following you.
      Look forward to checking out your web page repeatedly.

    2. Sweet blog! I found it while browsing on Yahoo News.
      Do you have any tips on how to get listed in Yahoo News?
      I’ve been trying for a while but I never seem to get there!
      Cheers

    Comments are closed.

    scroll to top