BREAKING NEWS

Al-Shabaab oo bilaabay olole dadka lagu barayo Luuqada Carabiga

Ururka Al-shabaab ayaa shaaciyay in ay degaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya ka bilaabeen ol’ole lagu Carabiyeynayo bulshada halkaasi ku dhaqan, islamarkaana looga guurayo luuqadda Af-Soomaaliga.

Al-shabaab ayaa amar ku siiyay dhammaan shacabka ku nool degaannadaasi, in ay bartaan luuqadda Carabiga iyo in ay Carruurtooda ku barbaariyaan barashada iyo ku hadalka Af-Carabiga, si loo hirgeliyo ol’olaha Carabiyeynta.

Sidoo kale, waxay maamulayaasha iyo macallimiinta dugsiyada ku amreen in ay manhajka Waxbarashada ku saleeyaan luuqadda Carabiga oo keliya, waxaana ay ku hanjabeen in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo fulin wayda amarkaasi.

Waxa kale oo Al-shabaab bulshada halkaasi deggan ku amreen, in ay goobaha ganacsiga iyo boorarka ogaysiisyada ku qoraan luuqadda Carabiga, halkii lagu qori lahaa Af-Soomaali, si loo dhiirri-geliyo barashada luuqadda Carabiga.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “Al-Shabaab oo bilaabay olole dadka lagu barayo Luuqada Carabiga”

    1. blank tinyurl.com says:

      Good day! Would you mind if I share your blog with my myspace group?
      There’s a lot of people that I think would really enjoy your content.
      Please let me know. Thanks

    Comments are closed.

    scroll to top