BREAKING NEWS

Dowlada Jabuuti oo lacag ugu deeqday dadka ay saameysay fatahaada Beledweyne. {Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline

 Dawladda  Jabuuti ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay Lacag gargaar ah oo ay kaga qayb qadanayso gurmadka dadka ay saameeyeen Fatahaadaha webiga Shabeelle

Lacagta ay soo dirtay dawladda jabuuti ayaa waxa lagu wareejiyay guddiga ay dawladdu u xilsaartay u gurmadka Fatahaadaha , waxa ayna lacagtaasi cadadeedu ahayd 100 million oo ah lacagta laga isticmaalo Jabuuti una dhiganta 600.000 doollar .

Lacagtan ayaa waxaa adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dawooyin, agab, iyo raashin loogu samayn doonaa dadka ku dhibaataysan duleedka  magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Kumanaan ruux oo ka barakacay guryahooda iyo kuwo kale oo ku go’odoonsan xaafadaha magaalada Beledweyne ayaa u baahan in la saacido kadib markii muddo toddobaad ah ay biyo ka fatahay wabiga Shabelle saameyn ku yeesheen.

Waraahinta WidhwdhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    2 Replies to “Dowlada Jabuuti oo lacag ugu deeqday dadka ay saameysay fatahaada Beledweyne. {Akhriso}”

    1. WOW just what I was looking for. Came here by searching for quest bars cheap

    2. If you wish for to take a great deal from
      this article then you have to apply these techniques to your won weblog.

    Comments are closed.

    scroll to top