Warbaainta WidhwidhOnline
Alle ha u Naxariistee waxaa Goor-dhowayd magaalada Hargeisa ku Geeriyooday Taliyihii Ciidamada Booliiska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo xaalad Degdeg ah loo dhigay Cisbitaalka International ee magaalada Hargeysa.
Taliyihii Ciidamada Booliiska ayaa Maqribkii Cisbitaalka loola cararay, Sidoo kale Taliye kuxigeenkiisi ayaa isna Faalig ku dhuftay oo wax yar kadib Cisbitaalka la dhigay, sidoo kale Taliye kuxigeenkii Saddexaad ee Booliiska ayaa Isna caawa Cisbitaalka Hargeysa yaala.
Labbada Taliye Xigeen ee isaga ku xigay oo kala yaala Cisbitaalada Haldoor iyo Hargeysa waa ay nool yihiin.
Cisbitaalada International, Haldoor iyo Hargeysa ayaa lakala dhigay saddexda taliye, waxaana xoog Markii Hore looga dayriyey Markii hore Xaalada Caafimaad ee taliyaha guud, oo Hada Geeriyooday.
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay socoto diyaargarowga Xuska maalintii Booliiska la aasaasay, Lama oga sababta keentay xanuunada saraakiishan Booliiska Somaliland ugu sareeyey.
