BREAKING NEWS

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo iscasilay, kana hadlay sababta

Xildhibaan Maxamed Warsame oo ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland ayaa guud ahaan iska casilay xubinimadiisii.

Warqad uu soo diray xildhibaanka oo laga hor akhriyey kulankii baarlamanka Puntland ayuu ku sheegay in sababo isaga u gaar ah uu shaqada ugga tagay.

Xildhibaanka Baarlamanka ayaa cod gacan taag ku aqbalay is casilaadiisa, Faysal Cumar Gees-diir ayaa lagu wadaa inuu booskaan buuxiyo kuna soo biiro xubnaha baarlamanka.

Xildhibaanka is casilay ayaa kasoo gala Gobolka Bari, waxa ayna ahayd markii ugu horaysay ee uu golaha ku soo biro, isagoo sidoo kale noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyey ee iska casila baarlamanka Puntland ee xiligan jira.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo iscasilay, kana hadlay sababta”

    1. blank Odis Benck says:

      Hey! This is my first visit to your blog! We are a group of volunteers and starting a new initiative in a community in the same niche. Your blog provided us useful information to work on. You have done a wonderful job!

    Comments are closed.

    scroll to top