BREAKING NEWS

Liiska Kulamada U Hadhay Barcelona & Real Madrid Kahor Kulanka El-Classico Ee Iyaga Dhex Maraya.{Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline

Kooxaha ugu waaweyn horyaalka La Liga ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa 18-ka bisha December ee sanadkan madaxa iskula gali doona gegida Camp Nou ee gobolka Catalonia.

Kulankan ayaa markii hore loo balansanaa 26-kii bishii October balse kacdoono ka dhacay Catalonia ayaa qasbay in gudi loo xil saaray ay kulankan dib ugu dhigaan ilaa bisha ugu dambaysa sanadkan.

Wakhti xaadirkan, Barcelona iyo Madrid ayaa labaduba min 25 dhibcood leh iyagoo sidaas ugu baxaya fasaxa qaramada walow ay Barca tahay kooxda farqiga goolasha booska koowaad ku joogta.

Dhinaca kale tartanka Champions League labada kooxood ayaa ku dhaw inay wareega xiga ee 16-ka ka xaadiraan iyadoo ay min laba kulan u hadheen, Barca ayaa leh siddeed dhibcood halka Madrid ay toddoba dhibcood leedahay.

Haddaba, Waxaanu halkan ku eegi doonaa kulamada kasoo horeeya ee ay Los Blancos iyo Blaugrana ciyaari doonaan kahor is aragooda 18-ka December.

Barcelona ayaa u muuqata kooxda jadwalka adagi sugayo mudadaas kahor maadaama oo ay ciyaarayaan kulamo ay kamid yihiin labada kulan ee Champions League ee Borussia Dortmund iyo Inter Milan iyo labada kulan ee ay horyaalka booqan doonaan Atletico Madrid iyo Real Sociedad.

Dhinaca kale kulamada ugu xoogan ee ay Madrid ciyaarayso kahor El-Classico ayaa ah midka ay Paris Saint-Germain qaabilayso ee Champions League iyo kulanka ay booqanayan

Kulamada Barcelona Ee Kahor El-Classico: Leganes, Dortmund, Atletico, Mallorca, Inter Milan iyo Sociedad

Kulamada Real Madrid Ee Kahor El-Classico: Real Sociedad, PSG, Alaves, Espanyo

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    17 Replies to “Liiska Kulamada U Hadhay Barcelona & Real Madrid Kahor Kulanka El-Classico Ee Iyaga Dhex Maraya.{Akhriso}”

    1. Good day! Would you mind if I share your blog with my myspace group? There’s a lot of people that I think would really appreciate your content. Please let me know. Many thanks

    Comments are closed.

    scroll to top