BREAKING NEWS

Anas Khaliil: Soomaaligii qorsheeyey inuu qarxiyo kaniisadda St. Peter’s Basilica. {Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline

 Guddiga khubarada QM ee Soomaaliya oo saaray warbixintoodii sanadda 2019 ayaa shaaca ka qaaday xog cusub oo ku saabsan qorshaha isku ballaarinta caalamka ee kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sheegtay in markii ugu horreysay tan iyo markii la aas-aasay 2015, ay Daacishta Soomaaliya qorsheysay weerar ka baxsan Soomaaliya.

Warbixinta ayaa tiri in bishii December 2018, ay mas’uuliyiinta Talyaaniga ay gobolka Bari ku xireen nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cumar Moshin Ibraahim oo loo yaqaan Anas Khaliil, isaga oo lala xiriirinayey shirqool lagu qarxin lahaa kaniisadda St. Peter’s Basilica ee ku dhex-taalla xarunta Vatican City ee magaalda Rome, 25-kii December 2018.

Gudidga ayaa sheegay in baaritaan uu sameeyey isaga oo gacan ka helay dowladda Talyaaniga uu shaaca ka qaaday xiriir ka dhaxeeyey Cumar iyo xubno ka tirsan Daacish oo ku kala sugan Somalia, Kenya iyo Libya.Valueimpression Placeholder

Anas Khaliil waxa uu ku dhashay magaalada Qardho ee gobolka Bari bishii October ee 2018.

Waxa uu dalka Talyaaniga kasoo galay Sicily daba-yaaqadii 2016 isaga oo dalbanaaya gargaar bani’aadannimo.

Ka hor inta uusan soo galin Italy, Anas Khaliil waxa uu ku noolaa magaalada Nairobi ka hor inta uusan sanaddii 2016 u safrin Libya, halkaasi oo uu tababar ku qaatay.

Anas Khaliil ayaa waxa uu xiriir la lahaa Abu Ayman Al Kinye oo ah sarkaal Daacish u qaabilsan dhanka saadka iyo socdaalka. Abu Ayman ayaa la rumeysan yahay inuu kasoo jeedo dalka Kenya.

Anas Khaliil ayaa waxa uu deganaa magaalada Bari ee Koonfurta Talyaaniga, intii uu dhaxeysay bishii March 2017 illaa December 2018. Intii uu joogay Talyaaniga waxa uu xiriir joogta ah la lahaa xubno Daacish ah oo ku sugan Soomaaliya iyo Kenya.

Si kastaba, wada-sheekeysi taleefon oo la dhageystay ayaa laga ogaaday in Anas Khaliil uu diyaarinayey shirqool uu bam ku dhigayey kaniisadda St. Peter’s Basilica, maalinka ciidda kirismiska ee December 25 2018.

Kadib wada-sheekeysigaas, ayaa waxaa Anas Khaliil xiray mas’uuliyiinta Talyaaniga, si looga hortago inta uusan ku dhaqaaqin qorshihiisa qaraxa.

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    37 Replies to “Anas Khaliil: Soomaaligii qorsheeyey inuu qarxiyo kaniisadda St. Peter’s Basilica. {Akhriso}”

    1. This blog was… how do you say it? Relevant!! Finally I have found something which helped me. Many thanks.

    2. Hi, Neat post. There is a problem with your web site in internet explorer, would test this… IE still is the market leader and a big portion of people will miss your great writing due to this problem.

    3. Great post. I was checking continuously this blog and I’m impressed! Extremely useful info specifically the last part 🙂 I care for such info much. I was looking for this particular info for a very long time. Thank you and good luck.

    4. I just couldn’t depart your website before suggesting that I really enjoyed the standard info a person provide for your visitors? Is gonna be back often in order to check up on new posts

    5. Thanks for your suggestions. One thing really noticed is that often banks along with financial institutions know the spending routines of consumers plus understand that the majority of people max away their credit cards around the trips. They prudently take advantage of this fact and begin flooding ones inbox plus snail-mail box using hundreds of no-interest APR credit card offers immediately after the holiday season comes to an end. Knowing that for anyone who is like 98 of American public, you’ll soar at the opportunity to consolidate credit debt and shift balances to 0 annual percentage rates credit cards.

    6. Enjoyed reading through this, very good stuff, thanks . “It requires more courage to suffer than to die.” by Napoleon Bonaparte.

    7. I like this post, enjoyed this one thanks for posting .

    8. UFABET says:

      Good day! I could have sworn I’ve been to this website before but after going through a few of the posts I realized it’s new to me. Anyhow, I’m certainly pleased I stumbled upon it and I’ll be bookmarking it and checking back often.

    Comments are closed.

    scroll to top