BREAKING NEWS

Caro xoogan Oo ka dhalatay Jirdil booliiska Kenya U’ geesteen Arday Jaamacadeed. {Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline

Shacabka dalka Kenya ayaa aad uga carooday muuqaal laga duubay ciidamo katirsan booliiska dalka Kenya oo si xun u jir dilaya arday dhigta Jaamacada Jomo Kenyatta ee kutaala Waqooyiga magaalada Nairobi.

Muuqaalka ayaa laga dhax arkayay afar askari oo si xun u jir dilaya kuna is istaagaya arday wax ka dhigta Jaamacada, kadib markii booliiska halkaasi loo geeyay in ay wax ka qabtaan banaan bax ay ardayda jaamacada dhigayeen.

Ardayda dhigata Jaamacada Jomo Kenyatta ayaa dhigayay banaan bax , waxa ayna ardayda xireen wadooyin katirsan magaalada Nairobi, waxa ayna taasi keentay in ciidamo booliis ah loo diro halka banaan baxa ay ka dhigayeen ardayda.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, Fred Matiang’i ayaa ku hanjabay in saacado gudahood talaabo adag looga qaadi doono saraakiishii iyo askartii kasoo muuqatay muuqaalka lagu jir dilayay ardayga Jaamacadeed.

Baraha bulshada ayaana si weyn looga hadal hayaa dhacdadan, waxaana arintan ay abuurtay caro xoogan oo ka imanaeysa shacabka iyagoona muujiyay hab dhaqanka booliiska in uu yahay mid xun aan loo dul qaadan karin.

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    26 Replies to “Caro xoogan Oo ka dhalatay Jirdil booliiska Kenya U’ geesteen Arday Jaamacadeed. {Akhriso}”

    1. When I initially commented I clicked the “Notify me when new comments are added” checkbox and now each time a comment is added I get three e-mails with the same comment. Is there any way you can remove me from that service? Thanks a lot!

    Comments are closed.

    scroll to top