BREAKING NEWS

DF Oo shaqada ka joojisay laba ka mid ah hay’adaha ka howl-gala Soomaaliya.{Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline

 Wasiirka warfaafainta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hakiyey shaqooyinkii ay dalka ka hayeen laba hay’adood oo kala ah Media Ink iyo Perspective Media, kuwaas oo ka mid ah hay’adaha ka howlgalla Soomaaliya.

Wareegto uu ku saxiixan yahay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa lagu shaaciyey in la hakiyey shaqooyinkii ay dalka ka hayeen labadaasi hay’adood

Sababaha shaqada looga hakiyey labada hay’adood ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay inay raaci waayeen nidaamka ay wasaaraddu u dejisay hay’adaha ka shaqeeya warbaahinta ee ku sugan gudaha dalka.

Labada warqadood ee lagu kala ceyriyey labada hay’adood si faah-faahsan looguma sheegin qaladaadka ay sameeyeen ee horseeday inay jebiyaan xeerkii wasaaradda.Valueimpression Placeholder

Hay’adaha Media Ink iyo Perspective Media ayaa waxaa ay ka shaqeeyaan arrimo la xiriira dhinaca warbaahinta, iyaga oo xarumo waaweyn ku leh magaalooyinka Nairobi ee dalka Kenya iyo magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top