BREAKING NEWS

Guddoomiye Mursal oo ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah oo ku saabsan Doorashada dhici doonto.{Akhriso}

Warbaahinta WidhwdhOnline

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalmahanba ku sugnaa dalka Itoobiya, gaara ahaan Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo uu ku casuumay dhiggiisa Itoobiya ayaa waxaa uu ka hadlay doorashada la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo sanadka dambe.

Mursal ayaa sheegay in doorashada ay ku dhici doonto xiliga loogu talo galay, oo aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku iman doona doorashada, barlamaanka Soomaaliyana uu ka doodi doono shuruucda doorashada soo soocta.

“Doorashada xiligii loogu tala galay ayay dhici doontaa haddii Alle idmo, Waxaa uu barlamaanka hadda gacanta ku haya sharciga doorashada oo guddii loo magacaabay, waxaana rajeeneynaa bishan Noofeembar in barlamaanka ka doodo sharcigaas, bisha Diseembar na la ansixiyo sharciga doorashada”, ayuu yiri guddoomiye Mursal oo la hadlayay BBC-da.

Waxaa kale oo uu sheegay in mudo xileedka dowlad walba ay ku qoran tahay dastuurka, oo dowladda walba ay heysato afar sano, marka afartaas sano ay dhamaatana doorashada la qaban doono.Valueimpression Placeholder

Barlamaanka Soomaaliya ayaa guddi u magacaabay sharciga doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka, waxaana guddigaas uu kulamo ugu tegay inta badan maamulada dalka, si ay uga ra’yi dhiibtaan sharciga doorashada.

Xulista guddiga doorashada ee barlamaanka uu magacaabay ayaa timid, kadib markii xukuumadda federaalka ay barlamaanka u gudbisay sharciga doorashada, taas oo keentay in golaha shacabka ay guddi u magacaabaan ka soo tala biixnta soo jeedinta dowladda.

Doorashada xubnaha barlamaanka Soomaaliya oo haatan ay ka harsan tahay sanad ayaa wali waxaan la ogeyn qaabka ay u dhici doontaa doorashada iyo nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelan doonto, arrintaas oo dad badan ay ka dhowrsugayaan.

Qaar kamid ah axsabata mucaaradaka ayaa dowladda ku eedeeyay in ay damacsan tahay muddo kororsi, walow aysan marnaba xukuumadda ka hadlin in ay damacsan tahay arrin noocaas ah

.Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    47 Replies to “Guddoomiye Mursal oo ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah oo ku saabsan Doorashada dhici doonto.{Akhriso}”

    1. IELFACE says:

      I seriously love your blog.. Excellent colors & theme. Did you create this amazing site yourself? Please reply back as I’m planning to create my own site and would love to find out where you got this from or what the theme is named. Cheers.

    2. Wow! This could be one particular of the most beneficial blogs We’ve ever arrive across on this subject. Actually Magnificent. I’m also an expert in this topic therefore I can understand your hard work.

    3. I would like to thank you for the efforts you have put in penning this blog. I am hoping to view the same high-grade blog posts by you later on as well. In truth, your creative writing abilities has inspired me to get my own blog now 😉

    4. Enjoyed looking at this, very good stuff, thankyou . “It is in justice that the ordering of society is centered.” by Aristotle.

    5. SapidAgency says:

      Sapid Agency is a Search Engine Optimization company in New York City that provides SEO Services. Their proprietary SEO strategies help struggling websites and aspiring business owners to rank their websites higher in multiple search engines like Google , Yahoo and Bing. They provide local and gmb map ranking for businesses in NYC and many other local areas. Find more at https://www.sapidagency.com/

    Comments are closed.

    scroll to top