BREAKING NEWS

Maamulka Puntland Oo Dooratay Gudoomiye Baarlamaan oo Cusub Muxuu la imaandona.{Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline

Xildhibaan Abwaan Abdirashid Yusuf Jibril ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamanka ee Puntland afarta sano ee soo socota.

Wuxuu heley 46 Cod, halka Xildhibaan Cabdi jamaal oo la tartamayay uu heley 17 Cod, waxaana guud ahaan codeeyay 63 Mudane.

Cabdirshiid wuxuu soo noqday Agaasimihii warfaafinta ee Madaxtooyada xiligii Cabdiwali Gaas.

Dhinaca kale  Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u soo hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka.

Waxaan u hambalyaynayaa saaxiibkay cabdirashiid yuusuf Jibriil oo maanta loo doortay guddoomiyaha golaha wakiilada puntland. Allaha kugu asturo xilka laguu doortay. Reer puntland waxaan leeyahay ilaahay u mahadnaqa ” ayuu yidhi Gaas.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa kadib markii Xilka laga tuuray Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Cabdixakiin DhooboDaareed oo hada Olole ka dhan ah Puntland ka wada deegaanada uu kasoo jeedo ee Gobolka Sanaag.

Lama oga waxa uu soo kordhindoono Gudoomiyaha cusub ee ay doorteen Baarlamaanka Puttland wararka ayaa sheegaya inuu yahay mida ku shaqaynaya fakarka Madaxwayne Diini dhankisana istagi doono waa shuruudaha ya wadagaleen madaxwaynaha isaguna uu soo saaridono suu ugu guulaysto Gudoomiyaha Baarlamaanka

Warbaahinta WidhwdhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top