BREAKING NEWS

Xeer ilaaliyihii maxkamadda Ciidanka Somaliland Oo Cadlo darro Ugatagay Somaliland kuna biiray Maamulka Puntland.{Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline :

 Xeer ilaaliyihii maxkamadda sare ee ciidamada maamulka Somaliland, Gaashaanle Dhexe Sahal Faarax Raage oo maanta warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay inuu isaga tegay xilkii uu ka hayey maamulkaasi kuna biiray ciidamada daraawiishta ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Gaashaanle Dhexe Sahal ayaa sababta uu uga soo baxay Somaliland ku sheegay cadaalad darro ka dhex jirta hay’adaha maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland.

Munaasabad soo dhoweyn ah oo sarkaalkan loogu sameeyey Garoowe ayaa waxaa sidoo kale  ka qeyb galay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntland.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax war hadal ah ooMaamulak muuse kasoo baxay , gaar ahaan saraakiisheeda ay ka soo saareen arrinta xeer ilaaliyaha ka soo goostay.

Ma’ahan sarkaalkii ugu horreeyey ee ka soo baxa  Somaliland, iyadoo dhowaan  mas’uuliyiin iyo askar ka tirsanaa maamulkaasi oo ku sugnaa degmada Badhan ay isku dhiibeen dhanka Puntland, kadib wadahadal ay la galeen.

Labada maamul oo daris ah ayaa waxaa ka dhexeeya xiisad salka ku heysa maamulida deegaano ka kala tirsan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya kuwaas oo ah Dad yagu aan diyar u ahayn Maamulidooda maadamay ay yihiin kuwo kasoo horjeda Midnimada iyo wada jirka Soomaliya Khaastan Maamulka Muuse Biixi!

Tan iyo intii muuse xilka lawareegay waxaa sitoos ah uga bilamatay Deeganada uu kataliyo caddalad darro baahsan iyo boob la’boobayo dadka danyarta ah dhulkooda !

Taas oo sababtay inay iskaga tagaan masuuliyiin badan oo xilaal culus ka hayay

Maamuka muuse ayaa kuwo yagu iskooda ugu dhawaaqay inay kamadax banan yihiin Dawalda soomaliya taas oo ilaa 20 sane ee ugudanbeeyay la’jahwareersan madaxbananida ay kudhaqeen kadib marki beesha caalamku aqoonsan wayday

Kaba siidarne Muuse biixi ayaa isagu siiba kala didiyay Dadkii isku raacay midawga khaldan

cidii xaqa daro kuheshiisa xage Alle ayay isgaga dhacdaa

Warbaahinta WidhwidhOnline :

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top