BREAKING NEWS

Deg Deg:Rasaas toos ah Oo sababtay khasaare iyo dhimasho Oo ka dhacday Hargeysa.{Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline :

 Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa sheegaya inay sii xoogeysatay xiisada ka taagan magaaladaasi.

Rabashado u dhexeeya taageerayaasha xisbiga Wadani iyo ciidamada ammaanka ayaa ka socda afaafka hore ee xarunta weyn ee xisbigaasi, sida ay Warbaahinta WidhwidhOnline u xaqiijiyeen dad ku sugan halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani, Cabdiraxmaan Cirro uu gaaray xarunta xisbiga oo la soo dhoobay ciidamo Boolis ah, kadibna uu xoog ku galay xaruntaasi, taas oo sababtay in rasaas ay furaan ciidamada.

Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhaawacmay rasaasta, sida ay innoo xaqiijiyeen dadka aan la hadalnay.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dibadbaxyo ay ka dhacaan Hargeysa, kuwaas oo uu shalay iclaamiyey guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani.

Arrinta ayaa ka sii dartay, kadib markii xalay ciidamada Booliska maamulka Somaliland ay xir xireen xubno ka tirsanaa xisbigaasi oo si weyn uga soo horjeeda xukuumadda Madaxweynaha maamulkaasi, Muuse Biixi.

Wixii soo kordha kala soco :Warbaahinta WidhwidhOnline :

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    17 Replies to “Deg Deg:Rasaas toos ah Oo sababtay khasaare iyo dhimasho Oo ka dhacday Hargeysa.{Akhriso}”

    1. coconut oil says:

      Hey there, You have done a fantastic job. I will certainly digg it and personally suggest to my friends.
      I’m confident they’ll be benefited from this site.

    Comments are closed.

    scroll to top