BREAKING NEWS

Nabad iyo Nolol oo Ku Dhawaaqaya Xisbi Cusub {Akhriso}

Waxaa dhawaan la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo Xisbi weyn oo yeelanayaan kooxda Nabad iyo Nolol ee hada talada dalka heysa, xisbigan ayeyna uga qeyb galayaan masuuliyiinta ku mideesan doorashada soo socota.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta ka hadlay bandhig Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in dhawaan lagu dhawaaqi doono xisbi weyn ay yeelanayaan dowlada talada heysa.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare kuxigeenka in doorashada 2020-ka ay dowlada dhankeeda diyaar ka tahay, waxa uuna xusay in uu rajeenayo in la dhameestro sharciga doorashada iyo xisbiyada.

”Xisbigii weynaa ee dowlada hamoogaanina waa soo socdaa , xisbiga dowlada ha moogaanina oo agjooga dhalinyarooy ” ayuu yiri Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed.

Dowlada Nabad iyo Nolol ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo xisbi weyn, lamana oga cida hogaamin doonta xisbigan kuna matali doonta doorashada dambe, waxaana wararku sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre labaduba laga yaabo in ay is sharaxaan.

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    4 Replies to “Nabad iyo Nolol oo Ku Dhawaaqaya Xisbi Cusub {Akhriso}”

    1. blank Lucina Mccornack says:

      really nice

      This is actually credible facts my friend. you are a very gentle scribe . i want to dividend with you my website as well. proclaim me what do you think about it

      articole pescuit

      Thankyou again for posting such good content. Cheers

    2. blank Reggie Mongeon says:

      This is a exceptionally decorous post. Thankyou for keeping us informed.

      forex

    Comments are closed.

    scroll to top