BREAKING NEWS

Todobaad kadib qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 14 Bishaan heshiis kula saxiixday Magaalada Nairobi Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Heshiiska labada madaxweyne ku dhex maray Magaalada Nairobi, waxaa ka mid ahaa qodob sheegayey in Todobaad gudihiisa lagu fasaxo duulimaadyadii tooska ahaa ee Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho lana joojiyo marista Wajeer oo ah mid dhibaato ku ah dadka kasoo safro Muqdisho.

Asbuuc kadib heshiiskii labada madaxweyne ay kala saxiixdeen weli ma uusan dhaqangelin, waxaana sababta lagu sheegay inaysan weli Dowladda Kenya waraaq fasax ah u gudbin Hay’adda Duulimaadka Hawada Kenya ee KCAA.

Gilbert Kibe oo ah Agaasimaha hey’adaas ayaa xusay inaysan jirin waraaq fasax ah oo uga timid dowladiisa iyagana aysan awood u laheyn inay fasaxaan amar la’aan.

Mar jirto waraaq fasax ah oo illaa hadda aan helnay, diyaaradaha weli kuma wargelin inay sameeyaan duulimaadyo toos ah sababtoo ah weli ma helin amarkaas” ayuu yiri Gilbert Kibe

Wuxuu sheegay in hey’adda KCAA ay diyaar u tahay inay si deg deg ah u fasaxdo duulimaadyada toos ah ee Nairobi iyo Muqdisho haddii uu amarkaas kasoo baxo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Dowladda Kenya ayaa dhawr jeer oo hore ka baxday heshiisyo ku aadan in la fasaxo duulimaadyada toos ah ee Nairobi iyo Muqdisho, waxaana xusid mudan in hadda ay xayiraadii ugu dambeysay ay socoto  muddo lix bil ah.

Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin sababta loo fulin la’yahay heshiiskii ay kala saxiixdeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    104 Replies to “Todobaad kadib qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin”

    1. blank Buckfort says:

      Does your blog have a contact page? I’m having problems locating it but, I’d like to send you an email. I’ve got some recommendations for your blog you might be interested in hearing. Either way, great site and I look forward to seeing it develop over time.

    2. Tabela Modelleri, ihtiyacınıza göre tüm tabela modellerini ve fiyatlarını sizler için detaylı bir ÅŸekilde sıraladık. Tabela imalatı için bize ulaşın. https://www.tabelamodelleri.co Ä°stanbul Genelinde tabela, tabelacı, reklam tabela, ışıklı Tabela, Reklam Tabela Modelleri, Tabela imalatı hizmeti olarak faaliyet vermektedir. Güvenilir Tabela hizmeti al, zaman kazan, garantide ol. Ä°stanbul’da binlerce Tabela Firması hazır. Ödüllü giriÅŸim. Yılda 2 milyon mutlu müşteri. Yeni bir iÅŸletme açmaya karar verdiniz ve tabelasını nasıl ve nerede yaptıracağınıza karar veremediniz mi.

    3. I like what you guys are up too. Such clever work and reporting! Keep up the superb works guys I’ve incorporated you guys to my blogroll. I think it’ll improve the value of my website :).

    Comments are closed.

    scroll to top