BREAKING NEWS

Dawlada Talyaniga ayaa somaaliya usoo dirtay diyaarad siday Gargaar’ loogu talagalay Dadka ay Saameyeen biyaha wabiga ee fatahay. {Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline :

Diyaarad weyn oo sida gargaar loogu tala galay dadka fatahaadaha iyo daadadka roobku ku saameeyeen qeybo ka mid ah dalka ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Gargaarkan ayaa waxaa ku qeeqay Dowlada talyaaniga wuxuuna ka kooban yahay cuntooyin nafaqo leh, dawooyin, bustayaal teendhooyin iyo waxyaabo kale.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo ku sugan garoonka Aadan cadde ayaa danjiraha talyaaniga u fadhiya dalka ka gudoomay deeqdan.

Talyaaniga ayaa noqonaya Dowladii ugu horeysay Yurub ee si toos ah dalka u keenta gargaar loogu talo galay dadka ay saameynta ku yeelatay fatahaadaha iyo roobabka.




Warbaahinta WidhidhOnline:

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Comments are closed.

    scroll to top