BREAKING NEWS

Socdaalka Deni Ee Muqdisho Shirqoolka Sool iyo Sanaag

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa ku wajahan Caasimada soomaaliya ee Muqdisho

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sanad uun kadib ku wajahan Caasimada Dalka ee Muqdisho,

Hadaba Widh Widh Online ayaa Dabagal xoogan ku samaysay socdaalka Deni ee Muqdisho iyo Arrimaha looga hadlaayo.

Socdaalkan ayaa yimid kadib Codsiyo ka yimid dhanka Beesha caalamka iyo kulamo ka kala dhacay Garoowe iyo Muqdisho, oo looga codsaday Dawlada soomaaliya iyo Maamulada dalka in si hoose loo dhameeyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira dalka si doorasho ay ku midaysan yihiin beelaha soomaaliyeed dalka uga dhacdo dhamaadka 2020.

Madaxweyne Deni iyo xubno kamid ah Golaha xukumadiisa waxay beesha caalamka iyo Dawlada soomaaliya ka aqbalen Wadahadalkaasi Iyagoo shardiyo xoogan xambaarsan,

Deni, ayaa arrimaha ugu weyn ee uu dawlada soomaaliya iyo Beesha caalamka hordhigaayo waxaa kamid ah in Deegaanada Sool sanaag looga danbeeyo maamulkiisa.

Sidoo kale Deni ayaa uga digay dawlada hadii ay rabto in puntland ay la heshiiso inay joojiyo qorshaha ah in sool iyo sanaag loo dhiso maamul iyo in Xildhibaanada goboladaasi sool iyo sanaag u matalaya Fadaraalka lagu xullo xamar.

labadan qorshe ayay dawlada soomaaliya ka Aqbashay Deni isna waxaa uu aqbaley in wadahadal lagu dhameeyo arrimaha punland. kadibna loo gudbo in xal laga gaadho xiisada Jubaland iyo dawlada Fadaraalka soomaaliya,

Puntland ayaa Halis ka weyn khilaafka Fadaraalka u aragta in Gobolada Sool sanaag ay yeeshan maamul ka madax Banaan Puntland, waana tan keentay in Deni uu khilaafka Dawlada uga Faa’iidaysto in uu kala tuuro qorshe xamar ka socday oo ay hormuud ka yihiin siyaasiyiin Warsangali iyo dhulbahante ah,

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top