BREAKING NEWS

Deg Deg::DP World Oo War Culus Ka soo Saartay Dekeda Boosaaso

hirkadda DP World ee Imaraadka Carabta ayaa sheegtay inay Boqolkiiba Konton Kordhiyeen shixnadaha Koontiinarrada dekedda Berbera, halka ay Boqolkiiba Toddobaatan isbeddel weyn lagu sameeyey adeegyada marsaddaas.

warbixin uu daabacay East African Business Week ayaa Guddoomiye Ku-xigeenka Xiriirka Dibadda u qaabilsan Shirkadda DP World Mr.Federico Banos-Linder wuxuu sheegay inay shirkadoodu 442ka Milyan ee doolar ugu maalgelinayso marsadda Berbera, si ay u noqoto dekedda ugu weyn, isla markaana ugu muhiimsan ee dalalka Geeska Afrika.

Mr.Federico Banos-Linder wuxuu caddeeyey in ay dhammaytireen wejigii koowaad ee casriyeynta dekedda Berbera, isla maraana ay hadheen laba qaybood oo kale.

“Waxaanu dhammaystirnay wejigii koowaad ee dib u habeynta marsadda Berbera, oo ka mid ah saddexda qaybood ee casriyeynta dekedda Berbera. Waxaanu kordhinay Boqolkiiba Konton shixnada Kontiinarrada. Waxa kaloo aanu boqolkiiba Toddobaatan hirgelinay horumar weyn oo laga fuliyey dekedda Berbera,”ayuu yidhi Ku-xigeenka Xidhiidhka Dibadda u qaabilsan Shirkadda DP World Mr.Federico Banos-Linder.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in dekedda Berbera ay sannadkii dhoofi doonaan 4 Milyan oo xoolo ah,waxaanu tilmaamay in muddo sannad ka yar ay dhoofiyeen 1.5 Milyan oo xoolo ah,waxaanu masuulkaasi sidaas ka sheegay khudbad uu ka jeediyey shirweynihii lagaga hadlayey maalgashiga Somaliland ee lagu qabtay Magaalada Nairobi.

Sidoo kale, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa tafaasiil ka bixiyey khayraadka dihin ee Somaliland oo ay ka mid yihiin isticmaalka tamarta,noocyada macdanta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    439 Replies to “Deg Deg::DP World Oo War Culus Ka soo Saartay Dekeda Boosaaso”

    1. Greetings! Very helpful advice within this post! It is the little changes that will make the most significant changes. Thanks a lot for sharing!

    2. blank s128 says:

      Pretty! This has been a really wonderful post. Many thanks for supplying these details.

    3. Simply wanna input on few general things, The website design is perfect, the subject material is really superb. “Earn but don’t burn.” by B. J. Gupta.

    4. Spot on with this write-up, I seriously feel this site needs a lot more attention. I’ll probably be returning to read more, thanks for the advice!

    5. I am very happy to read this. This is the type of manual that needs to be given and not the accidental misinformation that’s at the other blogs. Appreciate your sharing this greatest doc.

    6. I was able to find good information from your blog articles.

    7. blank s128 says:

      Hi, I do believe this is a great blog. I stumbledupon it 😉 I am going to return yet again since i have saved as a favorite it. Money and freedom is the greatest way to change, may you be rich and continue to guide other people.

    Comments are closed.

    scroll to top