BREAKING NEWS

Arin Argagax Leh Oo Ka Dhacday Deegaan Hoostaga Puntland

Qoys ku nool meel ku dhow deegaanka Yoonbays oo 100km u jirta magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal, ayaa la kulmaya arrin la yaab leh oo argagax ku abuurtay.

Reerka waa xoolo dhaqato. Sida ay sheegeen, wax aan la arki karin ayaa bireynaya arigooda, gaar ahaan waxaraha yaryar, mana garanayaan ciidda waxaas sameyneysa. Ariga qaar ka mid ah waxaa laga jaray dhegaha, naasaha ama lugaha.

Cabdiwali Faarax Warsame oo ah aabaha qoyskaas ayaa BBC Somali u sheegay in dhacdadaas ay reerka la kulmayeen muddo shan maalmood ah.

“Arigu wuu bireysan yahay; wax aan la arag ayaa bireynaya. Neefka waxa loo gowracayaa sida dadka caadiga ah ay u bireeyaan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in “la soo qaado neefka oo bireysan, la geeyo guriga ama qeyb ka mid ah la soo gooyo oo loogu geeyo gurigooda.”

“Waxa soo qaadaya lama arki karo. Waxaa la arkayaa neefkii oo guriga iriddiisa yaalla ama isagoo saxamada ama digsiyada ku dhex jira, ama dabka saaran.”

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top