BREAKING NEWS

Musiibo kadhacday Dalka kenya Oo ay kudhinteen inkabadn 30 qof. {Akhriso]

Dad ka badan soddon qof ayaa ku dhintay Dhulgo’ay kadib roobab iyo cimilo khatare oo kadhacy deeganka West Pokot ee galbeedka Kenya.

Toban caruur ah ayaa kamida aha maydadka hada lasoo helay

Dhul go’a oo uu saameeyay tuulooyinka Nyarkulian iyo Parua, ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay roob mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay.

Saraakiisha ayaa sheegay in daadadku ay jareen waddooyinka gala tuulooyinkaas, ugu yaraanna hal buundo ayaa lagu soo warramayaa inay burburtay.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu “tacsi tiiraanyo leh” u dirayo ehalada iyo saaxiibbada dhibanayaasha.

Waxaa socda gurmad ay wadaan ciidamada iyo heyadda laanqeyrta cas ee dalkaas si loo samata bixiyo dad badan oo halkaas ku dhibaateysan sida masuuliyiinta dowladu sheegeen.

blank
blank

blank
blank
blank
blank
blank


|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top