BREAKING NEWS

Golaha’ Amaanka Qarmada midoobay Oo kudhawaaqay in Somaliya kadhacdo Doorasho Cod&qof ah’ iyo Walaac Mamulgobaleedyada.{Akhriso}

Golaha Ammaanka Qarmada midoobay oo warbixin kasoo saaray Xaalada Dalka somaaliya ayaa Hoosta ka xariiqay in Dalka kadhacdo doorsho qof iyo cod ahoo nabdoon oo loo wada dhanyahay laysku halaynkaro,islamarkaan waafaqsan Dastuurka qabyada ah

Haddii taasi dhici waydo waxa ay noqonaysa tallabo taarikh ah oo waxa laga qaban doono xaalada Dalka somaaliya ayaa lagu yidhi warbixinta kasoo baxaday Golaha amaan qaramada midoobay waxaana gacan ka gaysan doon Hanaanka dilmuqraadiyada Somaliya

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in dhameystirka hab doorasho ay u baahan tahay isu-tanaasul, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay khilaafka meel iska dhigaan islamarkaana yeeshaan wada-hadallado wax ku ool ah.

Waxa uu sidoo kale Golaha ku baaqay in doorashadu noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka qeyb galaan dhammaan qabaa’ilada iyo maamulada dalka ka jira.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ayaa walaac ka muujiyey dhibaatada wada-shaqeyn la’aan ee ka dhex taagan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, taasi oo uu sheegay inay caqabad ku tahay sidii lagu gaari hadafyada qaranka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay dib u billaabaan wada-hadallada, si xal looga gaaro arrimaha taagan, islamarkaana la dhameystiro heshiis siyaasadeed loo dhan yahay.

Waxay si gaar ah u adkeeyeen baahida loo qabo in xal laga gaaro xaaladda Jubaland, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay wada-hadal ka galaan arrintan.

Xubanha Golaha Ammaanka ayaa dhanka kale ku baaqay in horumar laga sameeyo dib u heshiisiinta iyo abaabulka doorashada Galmudug.

Waxay ugu dambeyn ugu baaqeen wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan in isaga oo kaashanaya Midowga Afrika uu sii wado inuu dhinacyada Soomaaliya ka taageero sidii loo heli waddo horey loogu socdo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    4 Replies to “Golaha’ Amaanka Qarmada midoobay Oo kudhawaaqay in Somaliya kadhacdo Doorasho Cod&qof ah’ iyo Walaac Mamulgobaleedyada.{Akhriso}”

    1. reefroche says:

      best cbd cream for arthritis plus cbd oil

    2. Eyefap says:

      [url=https://doxycycline5.com/]doxycycline hyclate[/url] [url=https://tadalafilft.com/]tadalafil cialis[/url] [url=https://furosemide365.com/]furosemide medication[/url]

    Comments are closed.

    scroll to top