BREAKING NEWS

Gudoomiye Cumar Finish Oo Socod kuso mary 17-Dagmo Muqdisho ah kadib Roobab Sacaddihi ugu danbeeyay da’ayay.{Akhriso}


Hogaanka sare ee maamulka gobolka Banaadir oo uu hogaaminaayo duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer dhowr sac qaatay ku tagay 17-degmo ee gobolka Banaadir si loo xoojiyo gurmadka loo sameynaayo dadka danta yar ee saameeyay roobabkii da’ay saacadii lasoo dhaafay.

Hogaanka Sare ee Maamulka Gobalka Banaadir oo uu hogaaminayo duqa magalada muqdisho mudane cumr Maxamuud maxamaed [Cumar finish} ayaa kormeer dhawar saacaddood qaatay kutagay 17 dagmo si ay usoo ogaadan xaalada degmooyinka oo ay ka da’ayeen saacadiihi udanbeeya roobab aad ubadan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu horeyn booqday dhismihii hore ee wasaarada arimaha gudaha ee degmada Boondheere oo ay kunoolaayeen dad barakacayaal waxaana kusoo dumay dhismaha ay daganaayeen iyadoo laga soo saaray laba ruux oo dhismahaasi ku hoos jiray kadib iskaashi dhaxmaray waaxda gurmadka deg dega iyo dabdamiska ee D.H.X iyo dadka deegaanka iyadoo xiliga lagu mashquulsanaa badbaadinta dadkii ku hoos jiray dhismaha dumay uu goob joog ka ahaa duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish.

Sidoo kale kormeerka madaxda maamulka gobolka Banaadir ayaa ah mid ay ugu kuur galaayeen saameenta ay daadadka roobka ku yeesheen isticmaalka wadooyinka magaalada Muqdisho.

Qaar kamid wadooyinka magaalada Muqdisho oo uu gudoomiyaha gobolka Banaadir kormeeray ayaa qaar kooda bur burburay sidoo kale qaar kale ayaa roobka biyo badan dhigeen.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir ayaa mid mid u booqday guryaha ay kunool yihiin qoysaska danta yar ee uu biyaha roobka gudaha u galeen waxey sidoo kale masuuliyiinta  lug ah kumareen wadooyinka ay biyaha fadhiyaan roobabkii da’ay.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Comments are closed.

    scroll to top