BREAKING NEWS

Wabiga Shabbele Oo Fatahaad horleh ka sameeyay Afgooye. {Akhriso]

wararaka naga soo gaaray gobalka shabeelle hoose goonfurta galbeed soomaaliya aya sheegay in saacadiii lasoo dhaafay wabiga shabele hoose fataahad horleh sameeyay dhinaca Dagmada Afgooye ee gobalkaas

Wabiga ayaa ku soo fatahay xaafadaha Baalguri iyo Damaley, iyadoona dadka deegaanku ay haatan bilaabeen inay ka barakacaan halkaasi.

Fatahaada ayaa timid, kadib daadad ka dhashay roobab xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa durbo tegay xaafadaha uu ku soo fatahay Wabiga Shabelle.

Najax ayaa sheegay inay haatan wadaan gurmad xoogan oo loo fidinayo dadka ay saameeyeen daadadkaasi oo hadda ku dhibaateysan duleedka degmada Afgooye.

Sidoo kale wuxu ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo dowladda federaalka inay gurmad degdeg ah la soo gaaraan dadkaasi, si loo badbaadiyo noloshooda.

Xaaladda ayaa haatan ka sii dareyso, welina gurmad mahelin qoysaska dhibaateysan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top