wassiirka wassarada arrimaha gudaha soomaliya cabdi Maxamed Sabriye oo maanta soo gadhay dhuusamareeb ayaa kahadlay xaalada Magaaaladaasi gaar ahaan dhismaha galmudug oo loo dhanyahay
Sabriye oo xubno katirsan Dawladda saraakil ay kusoo dhaweeyeen halkaas ayaa sheegay sida ugu dhakhsaha badan ugali doonaan dhismaha Maamul usamaynta Galmudug loo wada dhanayahay
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan u hakan doonin Ahlu Sunna oo hoggaankeedu ay si weyn uga soo horjeedaan dhaq dhaqaaqyada dowladda ee dhismaha Galmudug.
Wasiirka ayaa sheegay in waqti badan uu kaga baxay Dhuusamareeb, islamarkaana loo baahan yahay in laga gudbo caqabadaha haatan ka jira magaaladaasi.Valueimpression Placeholder
Lama oga sida uu xaalku noqon doono, iyadoona hoggaanka Ahlu Sunna ay dhaq dhaqaqyo siyaasadeed iyo abaabul ka dhan ah dowladda ay ka wadaan halkaasi.
Doorashada Galmudug oo isugu jirta mida madaxweynaha iyo baarlamaanka ayaa lagu wadaa in la qabto bishada December ee soo socoto, sida lagu sheegay jadwalka doorashada ee uu shaaciyey guddiga ay dowladdu u saartay dhismaha Galmudug


