BREAKING NEWS

Soomaaliya oo 26 Milyan ku bixineysa Gaadiidka Waaweyn ee Dagaalka loo Adeegsado

Shirkada sameysa Gaadiidka Ciidamada ee Navistar Iyo Soomaaliya ayaa kala Saxiixday heshiis Ciidamada Xoogga loogu sameynayo Gawaarida kala duwan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa Shaacisay 25kii Bishan in Soomaaliya iyo Shirkada Navistar ay kala saxiixdeen 26 Milyan oo dollarka Mareykanka oo lagu soo saarayo Gaadiidka kala ah

1-Gaadiidka qaada Ciidamada ama Xamuulka Iyo Saanadaha culus ee Militariga

2-Gaadiidka Wiishaska ee qaada ama Xambaara Gawaarida la kulma Shilalka iyo Qaraxyada

Sido kale Wasaarada ayaa sheegtay gaadiidkan iney qaadi karaan 5 tan ilaa 13 tan iyo ciidamo gaaraya 20 Askari iyo Sanadooda Ciidan ee gaariga saaran.

Dhanka kale Gaadiidka 6×6 General Transport Truck iyo 6×6 Wrecker Vehicle Recovery Truck ayaa xitaa xamili kara ama iska difaaci kara Qaraxyada ama Gantaalada, xiliyada lagu guda jiro howlgalka ciidan.

Wadamo badan oo Caalamka ku yaalla ayaa isticmaala gaadiidkan oo awood ahaan u dhigma kuwa soomaalida ay u taqaan TM-ka ee xooga badan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top